Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolkaas.
Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soojeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay Hirshabelle. Jeyte oo ka horyimid go’aanka Hirshabelle ay xilka uga qaatay ayaa qeyb ka ah wada hadallada ka socda Maxaas.
Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Cali Jayte?
Cali Jayte oo loo arko in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan islamarkaas na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ayaa eedeyn horey ugu jeediyay dowladda federaalka iyo maamul Hirshabelle isaga oo dalbanayay in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul gaar ah.
Waxa uu sidoo kale horey u diiday in uu wareejiyo xilka guddoomiyenimada gobolka iyada oo ciidamadiisu ay la wareegeen xarunta maamulka magaalada Baledweyn. Cali Jeyte oo horey soo noqday wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka ee dowladdii Cabdulaahi Yuusuf ayaa labo jeer horey u noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Laakiin Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa muddo dedaal ka dhex waday madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Cali Jeyte isaga oo ku guuleystay in uu markii dambe suurtogaliyey inay labada masuul yeeshaan wadahadal toos ah yeeshaan.
Arrintan waxay timid ka dib markii magaalada Beledweyne looga dhawaaqay maamul la magac baxay “Hiiraan State”, kaasoo uu hogaaminayo Cali Jeyte qudhiisa, ka dib markii ay kala boodeen beeshaas qaarkeed iyo maamulka Hirshabeelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.
Sida uu BBC u sheegay xildhibaan C/risaaq C/laahi Macallin (Ciid) oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, waxaa jira arrimo ay isku afgarteen labada mas’uul iyo qaar weli dhiman.
“Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha,” ayuu yiri xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galay.
Wuxuu intaa ku daray inuusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.