Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Ciidamada Dowlada oo la Wareegay Degaanka Ceel-laelay

War Deg Deg ah:Ciidamada Dowlada oo la Wareegay Degaanka Ceel-laelay

0

Ciidamada Dowlada ayaa Goordhow Gudaha Ugalay Degaanka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud yaas oo Alshabaab ku Dhawaad 16 sano maamulaayeen.

Ceel lahelay oo Hoostagta Degmada Ceelbuur ayaa Waxaa Goordhow Qabsaday Ciidamada Beesha Cayr iyo Dududble oo Dhawaan ka Baxay Guriceel.

Cuidamada La wareegay Ceel lahelay aya Waxaa Maalmahaan la Joogay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Duurka kula Sugan ilaa Haatan.

Majiro Wax Dagaal ah oo Ka Dhacay Degaankaan oo Alshabaab isaga Baxeen Kadib Markii ay ka War Heleen inay kusoo Wajahanyihiin Ciidamao Farabadan.

Dad Badan ayaa ku tilmaamay Fududayd in maantay La Qabsado Ceel lahelay iyadoo uu joogsaday Guud ahaan Dagaalkii ku Wajahna Alshabaab. Lama oga inay Ciidamadaan sii joogi Doonaan Iyo inay kasoo bixi Doonaan sidii Deeganadii Dhawaan Alshabaab laga saaray oo markake Dib looga Soo baxay.

Ciidmada Dowlada ayaana Dhawaan isaga Baxay Degmada Ceelbuur Wabxo Masagawaa Ceeldheer iyo Cowswayne Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maantay kasoo baxay Dhuusmaareeb Asagoo Markale Dagaalka ka Hogaami Doona Maxaas oo lagu Diyaariyay Ciidmada Beesha Xawaadle iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidamada Lugta Oo Gaaray Wisil iyo Doyaargaroow Dagaal oo Kasocda Halkaas(Sawiro)
Next articleOdayaal Alshabaab kasoo Afduubteen Wisil oo lagu laayay Duqayn