Home Wararka Maanta MW Chechnya oo wacad ku maray inuu hooyadii uga aargudayo Maraykanka

MW Chechnya oo wacad ku maray inuu hooyadii uga aargudayo Maraykanka

0

Madaxa Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka, Ramzan Kadyrov, ayaa uga digey Maraykanka inuu la kulmi doono ciqaab adag haddii uusan cunaqabateynta uu saaray ka qaadin hooyadiis.

Washington ayaa waxay kusoo rogtey xayiraad dhaqaale iyo xayiraad dhanka socdaalka ah Aymani Kadyrova iyo dhowr qof oo kale oo Ruush ah iyo hay’ado kale 24-kii Agoosto, oo ku beegan marka ay Ukraine u dabaaldageyso Maalinta Madaxbanaanida.

Kadyrov hooyadeed ayaa la cunaqabateeyey sababtoo ah waa madaxa hay’adda Akhmat Kadyrov Foundation, oo Maraykanku ku andacoonayo inay ku lug lahaayeen “dib-wax-u-baridda” carruurta Ukraine ee uu Ruushku kasoo qafaalay aagga dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay Telegram, Kadyrov, oo isaga laftiisu ku jira liiska madow ee Maraykanka iyo EU, ayaa sheegay in xannibaadaha ka dhanka ah “hooyaday qaaliga ah” ay naxdin ku noqotay xitaa isaga, inkasta oo uu la qabsaday “cunaqabatayn aan macquulka ahayn iyo go’aannada Maraykanka iyo reer Galbeedka”, sida uu yiri.

“Dunida oo dhami way og tahay inay hooyadeey ku howllan tahay howlo samafal ah,” ayuu yiri.

”Aymani Kadyrova ayaa kaliya lagu ciqaabay sababtoo ah waa hooyadeey,” ayuu yiri Kadyrov, sababtaas awgeed ayuu daba dhigay, “go’aanka Maraykanka waxaa loo arki karaa oo kaliya inuu yahay mid ula kac ah oo aan ixtiraamaynin dhammaan xeerarka anshaxa.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Shacabka Gobalka Banaadir Baaq ku aadain Alshabaab
Next articleTaliyaha Ciidamada Lugta Oo Gaaray Wisil iyo Doyaargaroow Dagaal oo Kasocda Halkaas(Sawiro)