Weerar ay Diyaarad nooca daroonka ka geysteen gudaha dalka Ruushka ayaa waxay waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 diyaaradaha waa weyn ee noocoodu ahaa Ilyushin Il-76 Transport Plane oo ku sugnaa Saldhiga ciidanka Cirka ee magaalada Pskov oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi.
Wakaallada Wararka Ruushka ee TASS waxay sheegtay inay ugu yaraan 10 Diyaaradaha Drones-ka ku lug lahaayeen Duqeynta lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Cirka ee magaalada Pskov oo 700 KM dhanka Waqooyi ka xigta xuduudka Ukraine, una dhow Xuduudka ay Ruushka la wadaagto dalka Estonia.
Magaalladda Pskov waxay 30 KM oo keliya u jirtaa xuduudka dalka Estonia, halka ay Pskov 60 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan tahay dalka Latvia.
Estonia iyo Latvia waxay labaduba xubno ka yihiin Isbahaysiga NATO.
Dhanka kale, Duullimaadyada Diyaaradihii la hinqan lahaa iyo kuwii ku soo degi lahaa Garoonkaasi ayaa la joojiyey maanta, si loo qiimeeyo Khasaaraha soo gaaray Dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan (The runway).
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka