Home Wararka Maanta Diyaaradaha Maraykanka Alhabaab ugaystay Duqayn Culus

Diyaaradaha Maraykanka Alhabaab ugaystay Duqayn Culus

0
Mareykanka ayaa sheegay iney duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degaanka Cali Heelle ka dib dalab ka yimid dowlada Somalia

“Iyadoo la fulinayo Codsiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ciidamada mareykanka waxay ku dhaqaaqeen weerar is-difaac ah oo ka dhacay meel u dhow degaanka Cali Heele, oo ku dhawaad 244 kiiloomitir waqooyiga kaga toosan Muqdisho 15kii Agoosto” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM.

Mareykanka ayaa intaas ku daray duqeymaha cirka ah lagu taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo ku guda jiray howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney ku dhinteen duqeyntaas 5 ka tirsan al-Shabaab ah isla markaana aan wax rayid ah la dhaawacin ama lagu dilin.

Ad