Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Shaaciyay Mudada Alshababa looga saaraayo Dalka

Xasan Sheekh oo Shaaciyay Mudada Alshababa looga saaraayo Dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in Al-Shabaab dalka looga saaro muddo shan bilood ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay dadweynaha su’aalo ku weydiiyeen oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaarisay “qorshooyin cad” oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bil ee soo socota. Qorshayaashaas ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in dowladda ay Al-Shabaab cirib-tiri doonto ama ay baaqi kusii ahaan doonaan kaliya meelo yar yar oo aysan wax dhibaato ah ka gaysan karin.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay sidoo kale wax ka beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka iyo xaafadaha, ayna hadda u weecatay in maleeshiyada laga xorreeyo baadiyaha, si aysan u helin fursado ay ciidanka dowladda gadaal kaga soo weeraraan.

Waxa uu sheegay inay wax aan la aqbali karin iyo xushmad darro ku noqon doonto askarta dhiiggooda daadiyey haddii Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan magaalooyinkii laga qabsaday.

Saadaasha madaxweynaha ee ah in kooxda dalka looga xoreyn doono shan bil ayaa kasoo hormareyso mid uu horey u sheegay la-taliyihiisa amniga qaranka Xuseen Macallin, oo aheyd xagaagga 2024.

Qorshayaasha kale ee madaxweynaha sheegay inay doonayaan inay ku guuleystaan bilaha soo socda ayaa ah dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo in laga dhaadhiciyo golaha ammaanka inuu xayiraadda hubka ka qaado Soomaaliya.

Ad
Previous articleDiyaaradaha Maraykanka Alhabaab ugaystay Duqayn Culus
Next articleFerrier oo Doonaysay inay Sun Ku Disho Donald Trump oo Xukun Adag Lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here