Home Wararka Maanta Gabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya...

Gabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya iyo xaalka oo cakiran

0

Waxay jeceshahay cuntada Hindida, muuqaal ay baahiyeen waalidkeedna waxay u muuqataa inay raxmad ku dareemeyso la jirista waalidkeed.

Balse hooyadeed waxay sheegtay in gabadheeda laba jirka ahi ay ku jirto xarun caruurta lagu xanaaneeyo oo ku taalla Berlin.

Gabadhaan yar ayaa udub dhexaad u noqotay muran diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya Hindiya iyo jarmalka, kadib markii dawladda Jarmalka ay qoyskeeda ka qaateen iyaga oo ku eedeeyay qoyska in ay xadgudub kula keceen gabadha yar bishii Septemper ee sanadkii 2021 kii. Iyada oo todoba bilood jir ah.

Bishii June ee sanadkaan, ayaa waxaa maxkamad ku taalla Berlin ku soo gabangaboobay xuquuqdii waalidnimo ee Dia aiyo odeygeeda Amit – magacyadood dhabta ah ma isticmaaleyno sababo sharci aawadood – waxaana gabadha yar lagu wareejiyay xafiiska xanaanada caruurta ee jarmalka.

Sidoo kale maxkmaddu waxay diiday dalab ka yimid waalidka oo ah in ay gabadhooda ula noqdaan Hindiya. Waalidiinta ayaa ku tilmaamay dacwadda mid been ah waxayna ka qaateen racfaan.

Dia waxay hadda ku sugan tahay New Delhi, iyada oo taagero u raadineysa dagaalka ay ugu jirto sidii ay usoo heli leheed gabadheeda, iyada oo oysay mar ay BBC u sharraxeysay xanuunka ay leedahay hooyo iyo ubadkeeda oo lakala fogeeyo.

Maxaa dhexmaray labada dawladood?

Kiiska gabadhaan yar ayaa soo jeediyay dareenka dawladdaha Hindiya iyo Jarmalka. Kadib markii ay dad Hindi ah dibadbaxyo ka dhigeen magaalooyinku yaalla Hindiya, halka qurbajoog Hindi ah ay dibadbax ka dhigeen magaalooyinka Frankfurt iyo Darmstadt ee dalka Jarmalka.

New Dwlhi, Dia ayaa ayaa la kulantay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Hindiya sidoo kalena olole ka dhex bilowday xubno baarlamaanka ah taas oo keentay in warqad lagaga codsanayo in gabadha lagu soo celiyo Hindiya loo diro safiirka Jarmalka u fadhiya Hindiya, Phillip Ackerman.

Dawladda Hindiya ayaa lagu booriyay inay qaaddo talaabooyin ku aadan soo celinta gabadha yar. Siyaasi kale oo Hindi ah ayaa ka codsaday ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi in arrintaan uu kala xaajoodo hugaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, oo qorsheynayay inuu booqasho ku yimaado New Delhi, una imaanayay shirka G20.

Dia ayaa iyana ka codsatay ra’iisulwasaaraha Hindiya inuu arrinta soo faragaliyo, iyada oo tiri: “Rajadeyda oo qura waa mudane Modi. Hadii uu arrinta soo faragaliyo, gabadheydii way iisoo noqoneysaa”.

Murankaan u dhaxeeya labada waddan ee ka dhashay gabadha yar ayaa sababay in dib loo milicsado kiis kan lamid oo sanadkii 2011 kii ka dhacay Norway, kaas oo laba caruur oo Hindi ah laga qaatay aalidkood. Sanad kadib ayayna ku soo noqdeen Hindiya.

Suranya Aiyar oo ah qareen hawlgab ah oo qoyska ilmaha looga qaatay Norway caawiyay, kan hadda gabadha yarna caawinaya ayaa sheegay in kiisas nuucan caan ah aysan ahayn wax ugub ah.

“Waa dhibaato inteeda la eg.Waxaa la ogaadaa inay tahay mid la xallin aro,oo aan u naahnayn dodo dheeraad ah”.

Muramka qoyska gabadha laga qaatay ka dhashay ayaa waxaa dhaliilay baarlamanka Yurb. War biin culus oo ay soo saareen ayay ku eedeyeen xarunta isir sooc, iyo in ay si caaalad darro ah waalidiinta soo galootiga uga qaadayaan ubadkooda, taas oo ay sheegeen in ay wax u dhibayso xuquuqda waalidka iyo tan caruurta intaba.

Warbixin ay bishii May soo saareen baarlamaanku ayay ku sheegeen in qaybtooda codbixinta ay soo gaaraan cabashooyin ku aadan xukunka. “Kaalinta iyo ficilada xafiiska xananada caruurta ayaa loo arkaa mararka qaar kuwa ka badbadis ah. Waalidiinta soo galootiga ayaa dareemaya inaysan muhiim u ahayn sida kuwa Jarmalak”.

Ad
Previous articleDiyaarad ku Dhacday Mooto iyo Baabuur oo Dhimasha Badan Gaystay
Next articleDiyaaradaha Maraykanka Alhabaab ugaystay Duqayn Culus