Home Wararka Maanta Diyaarad ku Dhacday Mooto iyo Baabuur oo Dhimasha Badan Gaystay

Diyaarad ku Dhacday Mooto iyo Baabuur oo Dhimasha Badan Gaystay

0

Diyaarad yar oo gaar loo leeyahay ayaa ku dhacday mooto iyo baabuur xilli ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla duleedka caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, sida ay saraakiishu sheegeen.

Diyaarad nooceedu yahay Beechcraft Model 390 (Premier 1) oo ah diyaarad ganacsi oo fudud, ayaa siday lix rakaab ah iyo laba shaqaale ah, waxayna ku burburtay meel u dhow degmada Ceelmina 2.08 duhurnimo.

Taliyaha bilayska Selangor Hussein Omar Khan ayaa u  sheegay warfidiyeenka in Dayaaradda ay lumisay xiriirkii ay la lahayd Taawarka laga hago hawada, waxaana ay ku dhacday mooto iyo gaari wadada weyn marayey.

“Ma jirin wax wicis degdeg ah, diyaaradda waxaa la siiyay fasax ay ku degto,” ayuu yiri Xuseen Cumar. Hawlgal baadi goob iyo samatabbixin ayaa socda.

Maamulka duulista rayidka ah ee dalkaas ayaa sheegay in duullimaadka uu ka soo ambabaxay jasiiradda fasaxa ee Langkawi, waxaana ay ku sii jeedday garoonka Selangor ee Sultan Abdul Aziz Shah ee u dhow magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Ka Tacsiyeeyey Abwaanka Ay Ciidamadiisu Madfac ku Dileen
Next articleGabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya iyo xaalka oo cakiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here