Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidan hubeysan oo ku dhow 1000 askari iyo gaadiid dagaal oo aad u badan kuwaas oo dadka deegaanku ay u diyaariyeen ka qeyb qaadashada dhammeystirka wajiga 1aad dagaalka Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay Galmudug kaga kaga Harsanyihiin.
Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigay Ciidanka iyaga oo ku dhiirri galiyay sida ay ugu diyaar garoobeen dagaalka Xaqa ah ee cadowga lagu beegsanayo.
2
Ad