Home Wararka Maanta Ciidankii Wagner oo markale Qalalaase ka Bilaabay Ruushka Ciidamada Badan soo Dhoobay..

Ciidankii Wagner oo markale Qalalaase ka Bilaabay Ruushka Ciidamada Badan soo Dhoobay..

0

Tiro badan oo ka tirsan ciiddanka shirkadda khaaska ee milliteriga ee PMC Wagner oo ku sugnaa dalka Belarus ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabanayaan dalka Raashiya, sababo la xiriira fashil ku yimid heshiiskii dalkaasi loogu daad-gureeyey.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in ilaa 600 oo ka tirsan kooxda Wagner ay Talaadadii la soo dhaafay Basas ka soo raaceen dalka Belarus, iyagoo soo gaaray goballadda galbeedka dalka Raashiya oo qaarkooda u dhow caasimadda Moscow.

Tiro kale oo kooxda Wagner ayaa la filayaa in .aalinta Axadda ka soo laabtaan xerooyinka ay ka xaar xaarteen gudaha dalka Belarus.

Ilaa 5,000 oo ka tirsan kooxda Wagner ayaa horey u tegay dalkaasi, kadib, heshiis laga gaaray gadoodkii kooxdaasi sameeyeen bishii June 24-dii ee sanadkan 2023-ka.

Ilo-wareedyo ka tirsan kooxda Wagner ayaa sheegay inuu  soo ambabaxooda u sabab tahay, kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander shaaca ka qaaday inaysan dowladda Raashiya maalgelin doonin Kooxda Wagner ee Calooshood-u-shaqaystayaasha, halka aysan dowladda Belarus dhabarka u dhigan karin kharajkooda.

Machadka cilmi-baarista ee ISW waxay kaloo ka soo xigteen Ilo-wareedyo kooxdaasi inay suurtogal tahay inay amaro cusub soo bixi karaan xilli kasta, iyadoo inta badan ciiddanka Wagner la hawl gelin doono dabayaaqada bishan August.

Madaxa looxda Wagner, Yevgeny Prigozhin waxa uu dabayaaqadii bishii hore ee July Shirkii madaxda Afrika iyo Raashiya oo lagu qabtay magaalladda St. Petersburg, iyadoo uu ka codsaday Madaxweyne Putin inuu u daayo xilka madaxa kooxda PMC Wagner oo uusan kala qeybinin.

Si kastaba, Madaxweyne Putin waxa uu weli cabsi xoogan oo Hadafkiisa muddada dheer ka qabaa madaxa kooxdaasi oo isaga ay daacad u yihiin inta badan ciiddanka kooxda Wagner

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo Gaystay isaaq aadan Cali iyo Dilaagii oo La qabtay
Next articleGalmudug oo Gacanta Kusoo Dhigtay Gadiidkii Dhawaan lagu Laayay Caruurtii Dugsi Quraanka Jooga(Sawiro)