Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo Gaystay isaaq aadan Cali iyo Dilaagii oo...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo Gaystay isaaq aadan Cali iyo Dilaagii oo La qabtay

0

Nin hubeysan oo katirsan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa maanta salaadii Jimcaha kaddib nin ganacsade ahaa ku dilay waaxda October ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninka hubeysan qaarka sare ka toogtay ganacsade lagu magacaabayay Isaaq Aadan Cali oo la dhashay wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed Najax Aadan Cali.

Ninka dilka u geestay ganacsade Isaaq Aadan ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar katirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ninka dilka u geestay ganacsadaha, waxa ayna sheegeen booliiska in ninkan loo gudbinayo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ad
Previous articleHaweeneey Soomaali ah oo laga soo masafuriyay Norway kadib kiis culus oo lagu helay
Next articleCiidankii Wagner oo markale Qalalaase ka Bilaabay Ruushka Ciidamada Badan soo Dhoobay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here