Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa la xaqiijiyay inay ku guuleysteen in la duqeeyo saddex xarumood oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Galhareeri.
Goobaha la duqeeyay ayaa iskugu jira goob garaash ah oo lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob ay kooxda ku keydsan jirtay hubka iyo goob ay dhigan jireen agabka caafimaadka ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Weerarkan wuxuu hordhac u yahay in Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku teedsan inay shaqo xoog leh ka bilaaban doonto dhawaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee koox u yaallay halkaasi.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay jeediyay hadalkiisi koowaad, tan iyo markii uu Sabtidii tegay Dhuusamareeb.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in gulufkan ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran inuu yahay mid lagu dhameystirayo wejigii koowaad ee dagaalka.
Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah.
Si kastaba, howl-galka ka dhacay Galhareeri ayaa qeyb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaasi oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.