Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo mar kale ogolaatay in Kitaabka Quraanka Fagaare lagu Gubo

Dowlada Sweden oo mar kale ogolaatay in Kitaabka Quraanka Fagaare lagu Gubo

0

Dowlada Sweden ayaa mar kale ogolaansho cusub siisay Silwan Najm kaasoo ah banaanbax ka dhacaya bartamaha Stockhom oo lagu gubayo kitaabka Quraanka

Silwan Najm ayaa ah Haweeney u dhaxda Silwan Momica oo horay dhowr jeer Quraanka ugu gubay caasimada Stockholm, waxaana ka dhashay caro xooggan oo dunida muslimka ay muujisay.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta gudaha Dalka Sweden Silwan Najm oo heshay ogolaanshaha cusub ayaana la cadeynin waqtiga ay qabaneyso isku soo baxa.

Silwan Momica ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq waxaana uu deganaansho ka heystaa dalka Sweden isagoo bilihii u danbeeyay sameeyay falal kala duwan kaasoo dunida islaamka ka abuuray falcelin iyo caro xoogan.

Ad
Previous articleJabahada Ka Dilaacday Soomaaliland oo Markale Afduub Gaysatay iyo Soomaaliland oo Si adag uga Hadashay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaadaya Degmada Galhareeri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here