Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in dagaalka Al-Shabaab ay u dajiyeen siyaasad cusub.
“Waxaa noo soo baxday in Shabaab dagaal milatari bas ku filneyn ayaa noo soo baxday oo loo baahan yahay furimo kale oo milatari aheyn in lagu furo, waxaa soo dejinay siyaasad saddex tiir ku saleysan oo ah tii milatariga aheyn in lasii wado oo lasii xoojiyo, in dagaal fikri lala galo iyo tiirka saddexaad oo ah dagaalka dhaqaale.”
Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dadka ku marin habaabisay Diinta, ayna ka dowlad ahaan qaadeen sidii bulshada loo tusi lahaa in kooxdaan diin shaqo ku laheyn.
“Diinta ayay naga soo galeen macnaheedu ma ahan inay Diin wadaan ee laakiin siyaasad ahaan ayay u arkeen dadka meesha ay ka nugul yihiin oo laga kicin karo oo laga damin karo meeshaas waaye ee ka gala, Diinta sidaas ayay ugu soo ganbadeen ee niman Diin wada ma aheyn.”
Waxa uu intaas kusii daray “Umad sideedaba haddii ay go’aan gaarto waxkasta ayay sameyn karto oo wax walba oo ka maqan waa heli kartaa, anaga go’aan in aan gaarno waaye oo Shabaab iska xoreyno.”
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab, oo uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay dalka ka xoreyso.