Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Duqaymo Culus Ka Fulisay Degmada...

WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Duqaymo Culus Ka Fulisay Degmada Galhareeri ee Galmudug

0

Diwlada Soomaaliya ayaa Goordhow Warsaxafadeedkaan Baahisay:

Ciidamada Qaranka ayaa hawlgal guulaystay ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri ee Gobalka Galguduud.

Hawlgalka ayaa lagu beegsaday saddex Xarumood oo Alshabaab ay ku sugnaayeen.

Midka mid ah waa Garaash ay Alshabaab ku diyaarinaysay Waxyaabaha Qarxa waxaana halkaas lagu burburiyay todobo Gaari oo yaalay Goobtaas.

Goobta labaad waxa ay ahayd Bakhaar hub oo ay Alshabaab lahayd waana la gubay.

Goobta saddexaad waxaa u yaalay Qalab Caaafinaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.

Galhareeri ayaa Alshabaab u ahayd Xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku ammaan galayaan.

Waxaa uu hawlgalkaani qayb ka ahaa hawlgallo isdaba joog ah oo Ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta kuna beegsanayaan Saadka iyo isku socodkooda.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Amxaara ee Itoobiya
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Gudiomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here