Home Wararka Maanta Gabadhii cunto karinta u qaabilsaneed Taliyaha Xoogga iyo saraakiil kale oo kiis...

Gabadhii cunto karinta u qaabilsaneed Taliyaha Xoogga iyo saraakiil kale oo kiis Alshabaab ah loo xiray

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya Ayaa Maalinba maalinta Ka Danbaysa Xabsiga Dhigaysa Saraakiil Ciidan oo Alshabaab si Hoose ula Shaqaynaayay Halka Ku kalena ay Baxsadeen Kadib Markii ay ogaadeen in Baaris Kusocoto.

Sheekada Layaab kaleh ayaa Ah in Shalay Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay Xabsiga Dhigeen Sadex Qof oo Ka Tirsana Ciidanaka Xooga Dalka Kuwaas oo kala Ahaa Laba Rag ah iyo Hal qof oo Dumar ah.

Sadexdaan Qof ayaa Laga Soo kala Qabtay Wasarada Gaashaandhiga iyo Xafiisyada Mileteriga Soomaaliya  kuwaas oo Looga Shakiyay inay Alshabaab la Shaqeeyaan.

Wararka aan Ka Helnay Saraakiisha amniga ayaa noo Xaqoojiyay in Mid kamid ah Sarakiishaan laga Soo qabtay Xero Nacnac oo lagu Tababaro Ciidanka mileteriga soomaaliya Xeradaas ayaana Waxaa Dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo ismiidaamin ah Taas oo ay ku dhinteen Askar badan.

Qofka labaad ee Raga ah ayaa Laga Soo Qabtay Waxaada Gaadiidka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Waxaana Durbaba Ku Bilaabatay Baaris.

Qofka Sadexaad ee Dumarka ah ayaa Laga Soo Qabtay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Taas oo U Qaabilsanayd Cunta Karinta Waxayna ahayd Haweeneyda Go,aanka Ka Gaari jittay Cuntada Loo karinaayo Taliya Ciidanka Xooga Dalka Baaris ayaana Durbaba ku Bilaabatay.

Waxaa Horay u baxsaday Sarakiil Sarsare oo La shaqaynaayay Alshabaab kuwaas oo ay ka mid ahayeen Yaanle oo Ka Tirsanaa Booliska iyo Cabdisataar oo Asna Ka Tirsanaa Ciidanka Duufaan. Dowlada Soomaaliya ayaana Baahisay Magacyada Labaadaan Sarkaan Halka Ay Sheegtay in Laxaray inkabadan 10 Kale oo Askar ahaa.

Dhawaan ayay ahayd Markii Xerada Jaale siyaad uu isku Qarxiyay Qof Naftii hure ahaa kaas oo Xerada lasoo galiyay Baarotaan la.aan wuxuuna Galaaftay nolosha askar kabadan 40 Askari oo Ka Tirsanaa Ciidanka 14ka Octoober.

Dilkaan ayaana Loo Xiray Saraakiil looga Shakiyay inay Soo Xareeyeen Qofka IsQarxiyay.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleHoggaamiyaasha afgambiga kula wareegay Niger oo tillaabo cusub qaaday
Next articleCeel-buur oo Maanta lagu jihaystay iyo Xasan Shiikh oo Qabashada Ceelbuur Waqti Uqabtay