Home Wararka Somaliya Galmudug Ceel-buur oo Maanta lagu jihaystay iyo Xasan Shiikh oo Qabashada Ceelbuur Waqti...

Ceel-buur oo Maanta lagu jihaystay iyo Xasan Shiikh oo Qabashada Ceelbuur Waqti Uqabtay

0

Wararka Laga Helaayo Galmudug ayaa Sheegaaya in Ciidamadii Ugu Badnaa ee Ka Tirsan Galmudug Dowlada Federaalka iyo Dadka Deegaanka in Saakay Ka Dhaqaageen Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidankaan oo Dhawaan lagu Diyaariyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Saakay Qaaday Weerar Culus oo Ku Wajahan Degmada Qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweyne Xasan shiikh oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Amar Ku Siiyay Saraakiisha Hogaaminyasa Weerarkaan in Mudo Sagaal Cishaa Alshabaab looga Saaro Ceelbuur iyo Galhareeri Waana labada Degmo kaliya ee Alshabaab Galmudug ka Maamulaaan.

Alshabaab ayaa Ayaguna Dhankooda Diyaariyay Ciidamo Farabadan iyo Dadka Deegaanka oo Ay Sheegeen inay uga Hortagayaan Weerarka Kusoo Wajahan.

Qabashada Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa La Filayaa inuu Dhiig badan ku Daato Alshabaab ayaa Maamulay Degaanadaan inkabadan 15sano Waana Degmooyin Staraatiiji u ahaa Alshabaab.

Hadii Alshabaab laga Saaro Degmooyinkaan Wa dhabar jab Wayn oo Kasoo Gaaray Galmudug kaas oo Alshabaab ku Qasbaaya inay Isaga Tagaan Guud ahaan Galmudug.

Galmudug ayaana Dhawaan noqon Doonta Maamulkii ugu Horeeyey ee Si Buuxda Gacanta Alshabaab looga Saaro.

Ad
Previous articleGabadhii cunto karinta u qaabilsaneed Taliyaha Xoogga iyo saraakiil kale oo kiis Alshabaab ah loo xiray
Next articleKumuu ahaa wiilka arooskiisa qorsheynayay ee shilka ku geeriyooday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here