Home Wararka Maanta LA WADAAG Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

LA WADAAG Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0

Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa fuulay saqafka guriga ra’iisul wasaaraha Britain ee waqooyiga Ingiriiska, si ay uga mudaaharaadan siyaasadda Raysal wasaare Sunak ee shidaalka. Mudaaharaadayaasha ururka nabadda cagaaran ayaa dhinacyada saqafka dhismaha ka lulay calallo madow.

Rishi Sunak ayaa toddobaadkan ansixiyay boqollaal shatiyo ah oo lagusoo saarayo saliid iyo gaas hor leh oo laga helay badda Waqooyi ee boqortpooyada, taas oo ka cadhaysiisay qolyaha u dooda bedqabka deegaanka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku adkeysanaya in shatiyadu ay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta amniga tamarta.

Raysal wasaare Sunak ayaa hadda fasax kula maqan qoyskiisa gobolka California ee dalka Maraykanka.

Ad
Previous articleGudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed oo ka Shiftay Cida Dirtay Nasro
Next articleGoormee ayuu Tagayaa Dhuusamareeb Madaxweyne Xasan Shiikh Xili Ciidamada ilaalada Madaxweynu Maantay Gaareen?