Home Wararka Maanta Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed oo ka Shiftay Cida Dirtay...

Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed oo ka Shiftay Cida Dirtay Nasro

0

Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir ayaa fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaasoo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Khadiijo Aadan Daahir ayaa sheegtay in xiriirkeeda uusan wax lug ah ku laheyn dirista Nasro Abuukar Cali, waxbaa kala socon.

“Gabadha waxaa safarka qabanqaabadeeda lahaa Ururka Jaamacadaha, waxaana sagootiyay Wasaaradda ciyaaraha iyo xubin ka socday Ururka Jaamacadaha,  annaga wax shaqo ah kuma laheyn” ayey tiri Khadiijo oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa guddiga Olympikada ku amray in Shaqada laga Joojiyo Guddoomiyaha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.

“Wasiirka isagaa ayaa hore u sheegay in guddiga Olombikada iyo xiriirka ciyaaraha fudud aysan wax shaqo ah ku laheyn safarka gabadha”.ayey tiri Khadiijo.

Waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay arrinta shaqada looga joojiyey, ayadoo sheegtay in cayaarahaas ay yihiin cayaaro jaamacadeed, ayna ka qayb galayaan ardayda jaamacadaha”.

“Xiriirka cayaaraha fudud wixii khuseeya ayaan ka hadli karnaa” ayey tiri Khadiija oo aan hadlin xiriirka xagga qoyska ee ka dhaxeeya ayada iyo Nasra Abuukar Cali.

Khadiijo Aadan Daahir oo horey BBC ula hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli u suurta galinaya inay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.

Ad
Previous articleUrurka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo War layaab leh kasoo Saaray Ceebtii Dhawaan ka Dhacday Fagaaraha Tartanka China
Next articleLA WADAAG Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here