Home Wararka Maanta Madaxweynaha Niger oo Hadlay kadib Afgabihii Lagu Sameeyey

Madaxweynaha Niger oo Hadlay kadib Afgabihii Lagu Sameeyey

0

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa maanta wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhowaaqeen inay la wareegeen xukunka.

Bazoum ayaa waxaa Arbacadii xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in “dhammaan hay’adaha dowladda” ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay.

Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan.

“Guulaha sida adag lagu helay waa la ilaalin doonaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta twitter ee hadda loo bixiyey X. “Dhammaan dadka Niger ee jecel dimoqraadiyadda iyo xoriyadda sidan ayey doonayaan.”

Wasiirka arrimaha dibedda Hassoumi Massoudou ayaa sheegay in “awoodda saxda iyo sharciga ah” ee Niger ay tahay tan uu haysto madaxweynaha la doortay.

Waxa uu taleefishinka France24 u sheegay in Bazoum “uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.”

Waxaa jiray “isku day afgambi” balse “dhammaan ciidamada oo idil kuma lug laheyn,” ayuu yiri.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan askarta cabanaya inay kusoo laabtaan talisyadooda,” ayuu yiri. “Wax kasta waxaa loogu guuleysan karaa wadahadal, hase yeeshee hay’adaha dowladda ee Jamhuuriyadda waa inay shaqeeyaan.”

Madaxweynaha dalka deriska ah ee Benin, Patrice Talon ayaa la filayey inuu maanta tago magaalada Niamey isaga oo wada dadaallo dhex-dhexaadin, waxaa sidaa sheegay madaxa ururka ECOWAS.

Waddooyinka caasimadda ayaa saaka ahaa kuwo cidlo ah ka dib roob culus, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan.

Dalkan aan badda lahayn ayaa ah mid ka mid ah waddamada ugu saboolsan uguna xasilloonida darran adduunka. Waxaa ka dhacay afar afgambi tan iyo markii ay Niger xorriyadda ka qaadatay France 1960-kii.

Waxaa sidoo kale ka dhacay dhowr isku day afgambi oo kale, oo laba ka mid ah ka dhan ahaa Bazoum.

63-jirkan ayaa ka mid ah koox madaxweynayaal la doortay ah oo sii yaraanaya oo ku sugan gobolka Sahel, halkaas oo tan iyo 2020-kii uu ka jiray kacdoon Jihaadi ah oo horseeday afgambiyo ka dhacay Mali iyo Burkina Faso.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ku Sugnaa Bakaaraha iyo Mid kamid ah Ragii Weerarka Qaaday oo la qabtay
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh iyo Maraykan oo Ka Wada Hadlay Qaabkii Alshabaab loosoo Afjari lahaa