Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay qaar kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo ka qayb-galaya shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe.
Sidoo kale Xamza ayaa sidoo kale ra’iisul wasaarayaashii hore warbixin qoto-dheer ka siiyay shaqada xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Shabaab & halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah.
Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay qorshayaasha dowladda ee ku aadan hannaanka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka iyo sidii ay dowladda federaalka dhammaadka sannadka 2024 amniga ugala wareegi lahayd ciidamada howlgalka ATMIS.
Dhinaca kale ra’iisul wasaarayaashii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay, sidoo kalena ku amaanay dadaalla ay haatan waddo xukuumaddiisa oo la magac baxday DanQaran.
Labada ra’iisul wasaare ayaa qayb ka ah shirka u furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah.