Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo kahadlayay shirka ka furmay Caasumada Dalka, ee ay leeyihiin qaar kamid ah madaxdii hore iyo Madaxweynaha ayaa mar uu kahadlayay arrimaha mudo xileedka Hay’addaha DFS, wuxuu sheegay in uu doonayo in 5 sano laga dhigo mudo xileedka xil-heynta Madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 5-ta sano aysan ka bilaabaneyn mudo xileedkiisan, balse ay kan dambe ee dawladda ka bilaaban doonto, wuxuu sheegay in uu isagu kuyimi xukunka la dagaalanka Mudo kororsi, uusana hadda ka shaqeynin wax mudo kororsi, taas oo kasoo horjeeda heshiiskii madasha ee Muqdisho lagu saxiixay.
Ad