Home Wararka Maanta Dhageyso Hogaamiyaha Wadajir oo ka horyimid Go’aankii Guddiga Xukuumaddu ay ku shaaciyeen...

Dhageyso Hogaamiyaha Wadajir oo ka horyimid Go’aankii Guddiga Xukuumaddu ay ku shaaciyeen Liiska Cabashada laga qabay.

0

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn turxaanbixinta ay dowladdu sheegtay inay ku sameysay guddiga doorashooyinka, oo tabasho laga qabay qaar ka mid ah xubnaha doorashooyinka.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in hab aan caddaalad ahayn loo maray turxaanbixinta guddiga.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Midowga Musharraxiinta aanan laga talogelin markii la sameynayay turxaanbixinta.

“Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.” Ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Waasaare Maxamed Xuseen Rooble, in wax laga qabto cabashada ay qabaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQaar ka mid ah xubnihii laga soo cawday ee guddiyada doorashooyinka oo liiska laga saaray
Next articleWasiirada Caafimaadka Galmudug iyo Puntland oo kulan Wadajir ah Maanta yeeshay Maxaa Looga hadlay Kulankaas ?