Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah xubnihii laga soo cawday ee guddiyada doorashooyinka oo...

Qaar ka mid ah xubnihii laga soo cawday ee guddiyada doorashooyinka oo liiska laga saaray

0

Guddigii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo mid dawlad goboleedba ayaa saacado ka hor shaaciyay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka ee heerarkoodu uu kala duwan yahay.

Arrintaasi ayuu guddigu sheegay inay ku timid kaddib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen xubnaha laga cabanayay oo markii hore gaarayay 67 qof.

Wasiir ku xigeenka Warfaahinta  Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Maalmo dedaal dheer ay bixiyeen wadatashi balaaran ay sameeyeen isticmaalnay dhamaan aalladihii ay heli kareen suurtagalna ka dhigi lahaa in la kala ogaado cabashooyinkii la xiriiray guddiyada saddexda qaybood ah ee hirgalinta doorashada guddiga heer federal & guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga heer mamaul goballeed ay suurta gashay in ay soo gabagabeeyaan kala saarista  iyo kala hubintii Guddiyada ayna ku guuleysteen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta oo ah Guddoomiyaha Gudiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah la keeni doono Xubnihii bedeli lahaa, si tababar loogu furo doorashadana u bilaabato.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waxaa ay u gudbiyeen liiska 67 Xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin, NISA, Shaqaalaha dowladda & taageerayaasha Farmaajo, balse 34 Xubnood oo ka mid ah  meesha laga saaray.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud OO khasaaro laga soo sheegayo
Next articleDhageyso Hogaamiyaha Wadajir oo ka horyimid Go’aankii Guddiga Xukuumaddu ay ku shaaciyeen Liiska Cabashada laga qabay.