Home Wararka Maanta Nin faafin jiray muuqaallada gabdha qaaqaawan oo Xukun Adag Lagu Riday

Nin faafin jiray muuqaallada gabdha qaaqaawan oo Xukun Adag Lagu Riday

0

Wiil dhalinyaro ah oo in ka badan 100 gabdho ah u galmooday, ka dibna aflagaadeeyay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Arrintan ayaa ka dhacday Nagercoil, Tamil Nadu.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa magaciisa la yiraahdaa Kashi.

Kashi wuxuu uu khiyaameeyay gabdhaha yaryar, ardayda dugsiyada iyo kulliyadaha Tamil Nadu iyo Bangalore. Gabdhaha da’da yar ee uu dhibka u geystay waxay ka badnaayeen boqol.

Xiligaas waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo oohin ah oo laga soo duubay dumarka qaarkood oo loo hanjabay oo uu Kashi ku madoobaynayo. Waxay dhalisay muran badan iyo xiisad.

Sida laga soo xigtay bilaysku, wuxuu haystay in ka badan 1900 oo sawir oo qaawan oo haween da’yar ah iyo in ka badan 300 muuqaallo oo qaawan oo ku jira taleefankiisa gacanta.

Xukunka kiiskan ayaa lagu dhawaaqay Arbacadii taarikhdu marakay aheyd 14.

Garsooraha Maxkamadda Joseph Joy ayaa Kashi ku xukumay xabsi daa’in sida uu qabo qaybaha 376(2), 354 C iyo 506(22) ee xeerka ciqaabta Hindiya. Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay lacag dhan hal lakh rupees.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Gaaray Degmada Cadaado Soona Xiray….
Next articleXassan Shiikh oo saxiixay Magacaabista taliyaha XDS iyo taliyaha ciidanka Lugta