Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Cadaado Soona Xiray….

Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Cadaado Soona Xiray….

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmdug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhaw safar dhulka ah ku gaaray magaalada Cadaado ee goobolka Galgaduud.

Qoorqoor ayaa si toos ah ugu gudbay garoonka ciyaaraha Cadaado oo ay ka socoto cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan mas’uuiyiin ka tirsan dowladda FS iyo golayaasha dawlad goboleedka Galmudug ayaa daawanaya qaybta dambe ee cayaarta, waxaana caawa Cadaado lagu qabanayaa munaasabad wayn oo koobka lagu guddoonsiinayo kooxda tartankan ku guuleysata.

Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Aqal ee  Baarlamaanka DFS iyo sidoo kale xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Galmudug ayaa kormeer ku soo maray Degamada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud. halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen bulshada degaanka qaybahooda kala duwan.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Taliye odawaa Yuusuf Raage oo Xilka laga Qaaday Iyo Taiye Cusub oo la Magacaabay
Next articleNin faafin jiray muuqaallada gabdha qaaqaawan oo Xukun Adag Lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here