“In Koonfur Galbeed aysan dooneyn in Baraawe lagu wada noolaado waxaan daliil u ah, Dir ama Hawiye waxay maamulkaas ku leeyihiin madaxweyne ku xigeen, maamul aan madaxweyne ku xigeen laheyn ma jiro, balse kan waxaa loogu diiday in Irir-samaale uu wax ku yeesho,” ayuu yiri Suldaan Cabdullahi Cali Geedi.
Suldaan Cabdullahi oo sii hadlaayey ayaa Madaxweyne Laftagareen ugu baaqay in ciidanka uu keenay Baraawe uu ka saaro inta aan lagu leyn, sida uu ku goodiyey.
Odayaashaan ayaa sidoo kale ku hanjabay in gobolka Shabeellada Hoose ay ka jari doonaan K/Galbeed oo Banaadir ay ku soo dari doonaan, hadaan laga siin saamiga ay beelaha Irir-samaale ku leeyihiin hoggaanka maamulkaas.
Dhankiisa Caaqil Cabdullaahi Xalane Dhuxulow ayaa yiri “Ciidan meel daggan oo ciidan la dul-dajiyey wali lama arag, waxaan caddeyneynaa haddii xurmo la waayey oo xishood dhamaaday, waxaan ku dhameyneynaa ninba tabartii, ninba taagti.”
Caaqil Cabdullaahi Xalane ayaa madaxweynaha K/Galbeed ku eedeeyey inuu xoog uga saarayo magaalada Baraawe ciidankii ka xoreeyey Al-Shabaab oo joogay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.
“Waa nasiib darro in maanta nala yiraahdo waxaa la idinka saarayaa Sh/Hoose, xukuumadda Muqdisho waxaan u sheegeynaa in Siinkadheer ilaa Kuunyabarow wixii ka dhacay ay masuuliyadooda qaadi doonto K/Galbeed