Home Wararka Maanta Dad ka badan 80 ruux oo tahriibayaal ah oo ku geeriyooday xeebaha...

Dad ka badan 80 ruux oo tahriibayaal ah oo ku geeriyooday xeebaha Giriigga iyadoo 100 kalana lasoo bad baadiyay

0

Ugu yaraan 79 qof ayaa ku dhintay halka in ka badan 100 qofna la soo badbaadiyay kaddib markii doon nooca kallumaysiga ah ay saarnaayeen ay ku qaraqantay Koonfurta xeebta Giriigga.

Dadka ka badbaaday shilkaas iyo mas’uuliyiinta Giriigga ayaa sheegaya in boqolaal kale oo muhaajiriin ah ay saarnaayeen doontaasi degtay.

Dowladdu waxay sheegtay in tani ay tahay musiibadii ugu weynayd ee ay wajahaan dad muhaajiriin ah, waxayna ku dhowaaqday sadex maalmood oo baroor diiq ah.

Muhaajiriinta ayaa la sheegayaa in badankood ay ka kala yimaadeen Suuriya Masar iyo Pakistan.

Tiro badan oo tahriibayaal ah ayaa ilaa iyo haatan la baadi goobayaa kuwaasi oo raq iyo ruuxba la la’yahay.

Jaaliyadda Giriigga ee Soomaalida ayaa ku warrameysa in ilaa iyo haatan aan lalasoo sameynin wax xiriir ah iyadoo xilliyada ay dhacaan musiiboyinkan loo sheegi jiray in jiraan Soomaali ayna soo xaqiijiyaan.

Ciidamada ilaalada ee Giriigga ayaa ilaa haatan sameynaya gurmad deg de goo loo fidinayo muhaajiriinta.

Ad
Previous articleRaila Odinga oo ku Gooddiyay in uu hor kacayo dibad baxyo kale oo ka dhaca Kenya
Next articleBeelaha Hawiye iyo Dir oo Hanjabaad Culus Udiray Beelaha Raxanwayn Kadib Dagaalkii Qaraaraa ee Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here