Kooxo hubaysan ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed oo kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Kooxahaasi ayaa sidoo kale dhaawac u gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo kale kaasoo dhaawiciisa lagula tacaalayo Isbitalka magaalada Kampala.
Ragaan La Dilay ayaa Lagu Weeraray Xaafada Rubaago Afar nin oo ku Hubaysnaa Bistoolado ayaa Saqdhexe Xalay ku Weeraray Gurigooda.
Uganda Waxa Ka Jiray Tuugo Ku Hubaysnaa Toreey iyo Baangado oo Mararka Qaar Soomaalida ka Qaata Telefoono Balse Waa Markii Ugu Horaysay oo Rag Bistoolada ku Hubaysan u Dhacaan Guryo Soomaaliyeed isla Markaana Ay Dil iyo Dhaawac Gaystaan.
Booliska Uganda ayaana Sheegay inay Soo Qaban Doonaan Raga Dhib kaan Gaystay.