Home Wararka Maanta Danjire reer Yurub oo diblomaasiyiinta Afrikan ah Ku tilmaamay Daanyeero kadib Maxaa...

Danjire reer Yurub oo diblomaasiyiinta Afrikan ah Ku tilmaamay Daanyeero kadib Maxaa Dhacay?

0

Romania ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Kenya isla markaana raaligelin ka bixisay kadib markii uu Afrikaanka la barbar dhigay daanyeerro.

Dragos Tigau ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 26-kii April.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Mr Tigau ayaa yiri “kooxda Afrikaanka ah ayaa nagu soo biirtay” oo uu ula jeeday danyeerro kasoo muuqday dariishadda dhismaha.

Dhaqanka Mr Tigau ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday Khamiistii shalay sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Kenya Kamau Macharia.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Macharia kusoo qoray in uu “yaaban yahay oo uu ka yaqyaqsaday” hadalka, wuxuuna ku andacooday in la isku dayay in la qariyo hab-dhaqanka Mr Tigau oo hoos loo xaliyo.

Dublamaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa Jimcihii dalbaday raaligelin dadweyne, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya, iyagoo ku adkaystay in raalligelin hoose aysan ku filnayn.

Sabtidii, Romania waxay ku dhawaaqday in kaliya lagu wargeliyay dhacdada toddobaadkan oo ay hadda bilaabeen “habraaca dib loogu yeeray safiirka”.

“Aad ayaan uga xunahay xaaladdan, waxaanan raali gelin ka bixinaynaa dhammaan dadkii ay arrintani saameysay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Romania.

“Dhaqan kasta ama faallo kasta oo ku saabsan dabeecadda cunsuriyadda gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin,” ayay raacisay, iyadoo sheegtay inay rajeynayso inaysan saameyn ku yeelan xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika.

Romania inta badan waxay la xidhiidhaa wadamada Afrika iyada oo ka mid ah xubnaha Midowga Yurub, laakiin waxay la leedahay heshiisyo ganacsi oo laba geesood ah Masar iyo kuwo kale.

Dowladda Kenya ayaan ka hadlin go’aanka loogu yeeray Mr Tigau.

Warbaahinta Romania ayaa dhaleeceysay hab-dhaqankiisa, waxayna sheegeen in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo dalkaas ay ceebayso aflagaaddo ay diplomaasiyiintu sameeyeen.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan iyo wakiilka gaarka ah midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo kulmay Kadib Dagaalkii buulamareer
Next articleQaar ka Mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay Xiran