Home Wararka Maanta Janan “Axmed Madoobe waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed...

Janan “Axmed Madoobe waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay”

0

Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo haddana kamid ah siyaasiyiinta sida weyn isku hayaan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku eedeeyay inuu ahaa qofkii u horreeyay ee qarax maleegay.

Janan ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu 2006-dii uu maleegay qarax lala beegsaday madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN, illaa haddana uu qaraxyo siyaasadeed ka rido deegaanada gobolka Gedo, sida uu ku sheegay wareysi cusub oo uu bixiyay.

“Axmed Maxamed Islaam waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay, qalbigoodana ka naxo geystay illaa 2006-dii oo lagu fuliyay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.”

“Axmed warkayga waa dhageysanaya isaga ayaa marqaati u qabsanaya oo saddex berri gaarigaas qooqanta gacantiisu ku waday oo ka ilaalinayay inay dadka ku qaraxdo maalinkii dambena ninkii naftii haligaha usoo dhiibay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa qaraxii koowaad ee Umadda Soomaaliyeed ay dhagahooda maqlaan, dhiiggooda ku daato, oo ay hantidooda ku burburtay.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in qaraxyada ka dhaca gobolka Gedo ee fuliso Al-Shabaab, uu soo dhex-marsado Axmed Madoobe, si loo cabsi geliyo siyaasiyiinta is hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxyadan loo soo xawilay Gedo waxay Al-Shabaab noqdeen aalad la adeegsado, hadda aragtaan qarax lala raadsaday qof siyaasi ah ama ganacsada waxaa la yidhaahda; walaal muxsin ah ayaa waxa uu naga soo dalbaday in mujrim hebel loo dilo oo dhaqaalihiisana wuu la baxay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan marnaba lagu argagaxeyn, laguna ogolaaneyn hoggaanka Kismaayo qaraxyada siyaasadeed ee uu soo maleego, sida uu ku eedeeyay madaxweynaha oo uu xilligaan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.

“Waa la noolanayaa waxaan hubaa colaad iyo naceyb kaga siyaada adiga (Axmed Madoobe) mooyaane iyo waxa ku weyde wanaag kuma helaysid.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCali jayte oo oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab Kuna Laabtay Baladweyne
Next articleMadaxweyne Xassan iyo wakiilka gaarka ah midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo kulmay Kadib Dagaalkii buulamareer