Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku timid Gudoomiye Maxamuud Maxamed Nuur...

Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku timid Gudoomiye Maxamuud Maxamed Nuur kana Aamusay Mashaqadii Xalay Ka Dhacday Liido iyo Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka .

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuum Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe.

Qoraalka madaxweynaha meelna loogama xusin shacabkii ku dhintay weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido iyo carruurtii ku dhammaatay qaraxii isna ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Sh/Hoose, taas oo ay ka dhalatay falcelin aad u xoogan.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn arrintan ugu dhaliilay madaxweynaha iyo guud ahaan kooxda ka shaqeysa xafiiskiisa.

Sidee looga fal-celiyay?

“Waxii shacab dhamaaday ma ninkaan bas looga tacsiyayanayaa xitaa geerida wa la kala qiyamaa HSM,” ayey tiri gabar Facebook-ga kusoo gasha magaca Maria.

“Qarixii xalay maxaa uga tacsiyeey weeysay?” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Cabdi.

“Carruurti Janaale ku dhinteen oo la gumaaday no Answer miyaa madaxweynow?” ayuu Cabdullaahi Xasan Yuusuf uga fal-celiyay qoraalka Villa Soomaaliya.

“Villadaan waa meel habaar ku dhacay qofkii galaba horay ayuu iska beddelayaa, Alle ha u naxriisto Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhammaan walaalihii xalay ku shahiidday qaraxii ay khawaarijta ku weerareen Pearl Beach” sidaasna waxaa yiri Cabdimaajid Cusman.

“Mudane madaxweyne aaway shacabkii Pearl Beach lagu laayey ay ugu horreyso walasheen Nasro. Yaa masuul ah oo loo soo qabtay mise shaqadiisa looga ceeyriyey masuuliyad darradaas amniyeed ee dhacday xalay?” ayuu yiri Amb Aadan Ahmed.

“Alle ha u naxaristo marxuumka kuwii xalay la xasuuqay masuliyadeeda cid lugula xisaabtamo lama yaqaano miyaa ilaa hadda?” ayuu isaguna yiri Ismaaciil Cabdi Maxamed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBoris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay
Next articleCali jayte oo oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab Kuna Laabtay Baladweyne