Home Wararka Maanta Boris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay

Boris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay

0
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Britian Boris Johnson ayaa iska casilay xubannimada baarlamaanka ee dalkaasi, waxaana iscasilaada Boris sabab looga dhigay  fadeexadii Partygate .

Guddi xildhibaano ah oo katirsan baarlamaanka UK ayaa diyaariyay warbixin  ku saabsan in uu marin habaabiyay golaha shacabka iyo in kale, waxaana Boris lagu heestaa uu cadaadis kala kulmay fadeexadii Partygate.

Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa sheegay in lagu qasbay in laga saaro baarlamaanka sababo la xiriira fadeexadii Partygate, waxa uuna shaaciyay in guddiga loo saaray arrintiisa la mid yihiin Maxkamad Kangaroo ah.

Tallaabadan uu baarlamaanka iskaga casilay Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha UK, waxaana iscasilaaddan dhalin doontaa doorasho ku celis ah oo laga qabto kursigiisa galbeedka London ee Uxbridge iyo South Ruislip.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maantay yeeshay kulan Kadib Soona Buxiyay Kooramka Kadib Hanjabaadii Dhawaan loo Jeediyay
Next articleXasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku timid Gudoomiye Maxamuud Maxamed Nuur kana Aamusay Mashaqadii Xalay Ka Dhacday Liido iyo Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here