Guddi xildhibaano ah oo katirsan baarlamaanka UK ayaa diyaariyay warbixin ku saabsan in uu marin habaabiyay golaha shacabka iyo in kale, waxaana Boris lagu heestaa uu cadaadis kala kulmay fadeexadii Partygate.
Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa sheegay in lagu qasbay in laga saaro baarlamaanka sababo la xiriira fadeexadii Partygate, waxa uuna shaaciyay in guddiga loo saaray arrintiisa la mid yihiin Maxkamad Kangaroo ah.
Tallaabadan uu baarlamaanka iskaga casilay Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha UK, waxaana iscasilaaddan dhalin doontaa doorasho ku celis ah oo laga qabto kursigiisa galbeedka London ee Uxbridge iyo South Ruislip.
Ad