Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay yeeshay kulan Kadib Soona Buxiyay Kooramka Kadib Hanjabaadii...

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay yeeshay kulan Kadib Soona Buxiyay Kooramka Kadib Hanjabaadii Dhawaan loo Jeediyay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Sharciga Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xaange, oo  warbixin ka siiyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu nidaaminaayo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed ee hadii sharcigeeda la ansixiyo la dhisi doono xirfadlayaal sarre oo ka shaqeeya xisaabaadka Dowladda ayaa waxay sheegeen in sharcigan uu leeyahay muhiimad gaar ah la marsiiyo guddiga maaliyadda si ay u soo turxaan bixiyaan, shaqada iyo habraaca loogu baahan yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedkan Hay’adda Xisaabiyaasha  Soomaaliyeed lagu wareejiyo Guddiga Maaliyadda si loo marsiiyo habriicii looga baahnaa, ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda ugu gutaan Xildhibaannadda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCabdicasiis Axmed Maxamuud oo Si xun loogu gowracay Magaalada Muqdisho
Next articleBoris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay