Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta dalxiisa ee Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir
“Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska.
Sidoo kale Booliska ayaa shaaciyay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka sagaalka kalena ay ahaayeen rayid.
Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.
“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.
Taliska ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka sameeyay ay soo bad-baadiyeen illaa 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray.
“Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah”.