Home Wararka Maanta “maalin layaab leh” Afar caruur ah oo iyagoo nolol laga helay kenyta...

“maalin layaab leh” Afar caruur ah oo iyagoo nolol laga helay kenyta Amazon 40 maalmood kadib

0

Afar caruur ah ayaa iyaga oo nolol la helay ka dib markii ay ka badbaadeen shil diyaaradeed oo ay toddobaadyo habaw ku ahaayeen kaynta Amazon ee Colombia.

Madaxweynaha Colombia ayaa sheegay in badbaadinta walaalaha oo da’doodu tahay 13 jir, sagaal, afar iyo hal, ay “farxad u tahay dalka oo dhan”.

Hooyada dhashay carruurtan iyo laba duuliye ayaa dhintay markii diyaarad ay wateen ay ku burburtay hawdka Amazon 1-dii May.

Howlgal balaaran oo lagu Baadigoobaya carruurta ayaa waxaa ka qeyb qaatay tobanaan askar iyo dad deegaanka ah.

Madaxweyne Gustavo Petro ayaa sheegay in helitaanka caaruurtan ay ahayd “maalin layaab leh”, isaga oo intaa ku daray: “Waxay ahaayeen keligood , waxayna noqon doonaan tusaale guud oo badbaado ah oo taariikhda ku jiri doona.

Ad
Previous articleBooliska oo shaaciyay khasaaraha weerarkiiHoteelkii ku Yaalay xeebta Liido
Next articleCabdiraxman Cabdishakur oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay lagu Qaaday Xeebta Liido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here