Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah, waxaana sidoo kale la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.
Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku.
Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan.
Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay