Home Wararka Maanta Al Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u weerareen maqaayada Pearl beach oo...

Al Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u weerareen maqaayada Pearl beach oo Xalay Weerar Culus ku Qaadeen

0

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii cuslaa ee xalay lagu qaaday maqaayada Pearl beach ee kutaalla xeebta Liido, weerarkan ayaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War saxaafadeed ay soo saareen kooxda Al Shabaab ayey ku sheegeen in ay weerar culus ku qaadeen maqaayada Pearl beach, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in maqaayadaasi ku caween jireen dad ay ku jiraan masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dadka maqaayada ku weerareen ay ahaayeen kuwa hormuud u ah dagaalka lagu soo qaaday goobaha ay joogaan, waxa ayna xuseen in ragii weeraray hotelka muddo saacado badan ah halkaasi ka dagaalameen.

Warka ay soo saareen Al Shabaab waxa ay ku sheegeen in weerarka intii uu socday ay dileen 29-qof, halka ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan, mana sheegin Al Shabaab dadkaasi ay dileen xilalka ay hayeen iyo hayadihii ay katirsanaayeen.

Maqaayada weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay inta badan ku caween jireen dad u badan shacab, waxaana maqaayada mararka qaar tagi jiray masuuliyiin katirsan dowladda iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer iyo Ajaanib ka mid noqday
Next articleTurkiga oo qabtay lacag dhan $1 bilyan oo faalso ah oo loo waday Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here