Dowladda Uganda ayaa shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigooda, kaasi oo looga dilay askar badan.
Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hore uga sii soconayaan ciidamadeedu, islamarkaana aysan dhacdadaasi wiiqi doonin hadafkeeda ay u joogaan gudaha Soomaaliya ee howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).
Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Nathan Mugisha oo booqday ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay weerarkii Buulo Mareer ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Uganda ay ka go’an tahay in ay fuliyaan waajibaadka howl-galka ATMIS, iyada oo todobaadkii hore la weeraray saldhigooda.
“Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageerayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel.”
Arrintan ayaa imaneysa, xilli dowladda Uganda ay wajaheyso cadaadis gudaha, islamarkaana dadka reer Uganda qaarkood ay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda.
Uganda ayaa dooneysa in joogitaankeeda Soomaaliya ee xilligaan uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan.
Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.