Madaxda Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Gudoomiye Cumar Finish oo wehlinayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kulan sagootin ah Loogu sameeyay Muqdisho.
Kulankaan sagootinta ah ayaa ka dhacay Xeebta Liido, waxaana Loo sameeyay Madaxdii Dowlad Gobaleedyada ee saxiixay Heshiiskii Doorashada iyo R/W Rooble.
Kulanka ka dib ayay Waqti la qaateen Bulshadii ku sugneed Xeebta Liido, waxaana La filayaa inay dib ugu laabtaan Xarumahooda DG.
Ad