Home Wararka Maanta Maamulka puntland oo Bandow kusoo Rogay Deegaanada uu Maamulo Xili uu Garowe...

Maamulka puntland oo Bandow kusoo Rogay Deegaanada uu Maamulo Xili uu Garowe Dagaal Ka Dhacay

0

Taliska guud ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaas, gaar ahaan inta ay socoto doorashada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabo, Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa warbaahinta u faahfaahiyay go’aanka ay soo saareen oo la xariira amniga doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacaya Puntland.

Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa sheegay in la joojinayo dhammaan isku socodka gaadiidka deegaanada Puntland, sababo la xariira habsame u socodka doorashada.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan gobollada Puntland, inta lagu guda jiro doorashooyinka golayaasha deegaanka” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in bandowga uu bilaabanayo 24-ka bishaan, isla-markaana uu soconayo illaa 26-ka isla bishan May oo lasoo gabagabeyn doono codeynta doorashada.

“Xilliga isku socodka la joojinayo ayaa ku beegan 24-ka May 2023-ka, saacadda marka ay tahay 6:00PM, illaa 26 May 2023, saacadda 6:00AM,” ayuu markale yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amarkan uu saameyn doono guud ahaan gaadiidka, haddii ay yihiin kuwa dadweynaha ama kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Puntland, wuxuuna ka codsaday in qof walba oo caawin u baahan uu la xariiro Booliska, inta uu bandowga soconayo.

“Qof walba oo reer Puntland ah, una baahan caawin wuxuu la xiiriiri karaa ciidanka Booliska, gaar ahaan labmarka gaaban ee 999,” ayuu markale yiri Afhayeenka Booliska.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha deegaanka ay ka socoto guud ahaaan Puntland, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee maamulkaas oo uu ku jiro midka madaxweyne Deni.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamado Farabadan oo Ka Tirsan Ku Kenya oo Lasoo Dhooobay Xadka Soomaaliya
Next articleWadooyinka Dhagaxaanta Ku XIRAN Muqdisho oo la Furaayo