Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.
Wasiirka ayaa la kulmay gudiga 33 ee SSC-Khaatumo oo uu ka xog wareystay xaaladda murugsan ee magaalada Laascaanood oo dhowr bilood ay dagaallo culus ka socdaan.
Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tago magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC.
Booqashada wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.