Home Wararka Maanta Wasiirada Soomaaliya oo Isku Raacay in Amniga Muqdisho Wax wayn Laga Qabtay(Sawiro)

Wasiirada Soomaaliya oo Isku Raacay in Amniga Muqdisho Wax wayn Laga Qabtay(Sawiro)

0

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay hal ajende oo ah amniga caasimada.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka qayb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha warbixin ka dhageystay duqa Muqdisho iyo taliyeyaasha ciidanka ee goobjooga ahaa, kuwaas oo faahfaahiyay guulaha laga gaaray amniga gobolka Banaadir.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda, sida uu hadalka u dhigauy

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qayb ahaan amniga lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah oo kusoo tababartay Uganda, kuwaas oo guul ka keenay amniga caasimada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)
Next articleNISA oo Gacanta Ku Dhigtay agab iyo Saanad loo Waday Alshabaab(Sawiro)