Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa ahaa gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo looga tegay qeybta Parking-ka ee City Mall ee degmada Xamarweyne, sida ay ogaatay Warbaahintu.
Qolyaha dab-damiska ayaa markii dambe ku guuleystay daminta gaariga qarxay, taasi oo yareysay khasaaraha, maadaama ay goobtaasi yaalleen gawaari kale, ayna ka agdhawayeen dad badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa mid qof muwaadin ah uu lahaa oo loogu xiray, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin cidda iska leh gaariga waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ee ku qarxay halkaasi.
Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo la xiriira qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay, oo inta badan looga bartay warinta xogta u dambeysa ee dhacdooyinkan oo kale.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qabsaday gaari ay la socden ciidamada, iyada oo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.
Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300.
Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.