Dowladda ayaa xertay qaar kamid ah wadooyiinka halbowlaha u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka Muqdisho. Ciidamo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa la soo dhigay isgoosyada Dabka ilaa isgooska Jubba.
Dhanaca kale Degmooyiinka, Waaberi, Xamarweyn,Xamarjabjab ee Muqdisho iyo kale ee ku hareereysan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu daadiyay ciidamo isku dhaf ah.
Sababta na waxaa lagu sheegay in Xasan Sheikh uu maanta tagayo taallada Daljirka Dahsoon.
Ad