Home Wararka Maanta Xubnaha Xisbiga Erdogan oo guuldaraddii ugu weyneyd kala kulmay baarlamaanka

Xubnaha Xisbiga Erdogan oo guuldaraddii ugu weyneyd kala kulmay baarlamaanka

0

Codbixiyeyaasha Turkey ma dooranayaan madaxweyne oo keliya se waxay sidoo kale u codeynayaan xubnaha cusub baarlamaanka ka kooban lix boqol oo kursi.

Xisbiga Erdogan ee AK ayaa helay cododka ugu badan, laakiin waxaa hoos u dhacay tirada kuraasta ay ku yeelan doonaan baarlamaanka cusub.

Waa tiradii ugu badneyd ee kuraas baarlamaan ah oo uu lumiyo xisbiga Erdogan ilaa 2002dii.

Doorashadii 2022dii waxa uu xisbiga AK uu 363 kursi ka helay baarlamaanka. Wixii markaas ka dambeeyay, marna xisbiga Erdogan ma helin wax ka yar saddex boqol oo kursi – si kasta oo uu xisbigu hoos ugu dhacayay doorasho walba tan ka dambeysa.

2018kii waxa uu xisbiga Erdogan ka helay kuraasta baarlamaanka 295 kursi. Laakiin natiijada hordhaca ah ee maanta waxay muujineysaa in xisbiga AK uu lumiyay 28 kursi oo baarlamaanka ah taas oo ka dhigan in uu golaha cusub ku yeelan doono 267 xildhibaan.

Laakiin 56 kursi oo kale ayaa xisbiga uga soo biiri doona saddex xisbi oo kale oo ay isbaheysi ku jiraan. Taas waxay Erdogan weli siineysaa aqlabiyad xoogan oo ka dhigeysa tirada xubnaha baarlamaanka ee xibsiga AK iyo kuwa isbaheysiga la ah saddex boqol iyo saddex iyo labaatan kursi.

Ad
Previous article“Cali Guudlaawe Galmaax ma rabyo” Xaadoole oo weerar culus ku qaaday Guudlaawe
Next articleIntabadan wadooyinka Muqdisho oo Maantay Xiran iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here