Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hooyo Calsey Xamuud “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay...

Hooyo Calsey Xamuud “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin”

0

Hooyo Calsey Xamuud Cadow oo kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan tuulada Maxaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle ayaa ka warbixisay dil maanta wiilkeeda loogu geystay deegaankaas oo ay mudo 7 sano ah ka taagan tahay colaad u dhexeyso 2 maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Hooyadan oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Kulmiye ayaa ka sheekeysay, sida arxan darrada ah ee loo dilay wiilkeeda oo ahaa 40 sanno jir, sida ay sheegtay.

Calasey ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga la dilayay wiilkeeda uu ka yimid biyo dhaamin, isla-markaana isaga oo biyo uu shubtay cabayay toogasho lagu dilay.

“Igaarkeyga waa dhaanshay kadib waa soo fulay Ratiga, haddii uu furay aa la weeraray gurigiisa lagu dilay,” ayay tiri Hooyo Calsey Xamuud Cadow.

Waxa kale oo ay Hoodayaan oo murugeysan ay hadalkeesa sii raacisay “Wiilkeyga biyo uu cabaayay oo uu shubtay intoo cabin ayaa la dilay”.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay taqaano ragga dilay wiilkeeda, isla-markaana ay daris yihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

“Colaadda asal ayay jirtay nimankan dilka geystay waa kuwaan dariskeenna waayay Xasan Gaab ayaa la yiraahdaa,” ayay mar kale tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow.

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ay ka dalbatay inay cadaalad u raadiyaan wiilkeeda, si loo soo qabto raggii ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa ifka uga tegay carruur iyo xaas, sidoo kale waxa uu gacanta ku hayay hooyadiisa oo da’ah, taas oo si weyn ula muroogootay dilka loo geystay wiilkeeda.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Hor leh oo kasoo Goostay Soomaalind oo soo Gaaray SSC
Next articleCiidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Dagaal culus ku dhexmaray Galmudug