Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Dagaal culus ku dhexmaray Galmudug

Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Dagaal culus ku dhexmaray Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta weeraray goob ay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Sabansabley oo dhaca Xadka ay wadaagaan gobolada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka xoogga dalka weerar culus ku qaadeen deegaanka Sabansabley ,xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dagaalyahanno badan oo katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegay in jab xooggan ku gaarsiiyeen Al Shabaab weerarka lagu qaaday, waxa ayna sheegeen saraakiisha in howlgalka lagu baacsanayo Al Shabaab wali socdaan.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay hakkad galeen howlgaladii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadeen gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ad
Previous articleHooyo Calsey Xamuud “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin”
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Doorashadii Dalka Turkiga iyo Halka Ayey Kala Marayaan Recep Tayyip Erdogan Iyo Kemal Kilicdaroglu?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here