Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo madax u ah Shabaab-ka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu muddooyinkii dambe waday qorshe uu hubka kooxda ugu wareejinayo odayaasha dhaqanka, xilli uu socdo abaabulka howl-gal lagu xoreynayo degmadasi.
Warbixinta dowladda ayaa waxaa lagu yiri “Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ay ku doonayeen hubka Al-Shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.”
Horjoogahan ayaa lasoo wariyay inuu doonayo in odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyada oo xubnaha u muuqdan in aysan hadda qorshaha ugu jirin inay dagaal toos ah la galaan ciidamada huwanta ee kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.
Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lasoo warinaya in markale isku dayayo inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-Shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras.
Kulankaas ayaa markii hore lagu gaaray in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya.
Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa muddooyinkii dambe ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda.
Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur.
Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulantay degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.